Arsenal ayaa wali suuqa ugu jirta sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddig khadka dhexe ah bisha January.
Gunners ayaa ku raaxaysanaysa qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo haatan hogaanka u haya.
Si kastaba ha ahaatee, khadka dhexe ayaa wali ah meesha ay ugu liidata kooxdooda, tababare Mikel Arteta ayaana doonaya xoojin.
Per Fabrizio Romano, labada ciyaaryahan ee khadka dhexe ee Brazil Douglas Luiz iyo Danilo ayaa weli ku jira liiska bartilmaameedyada Arsenal .
Ciyaaryahanka Aston Villa Luiz ayaa ku dhawaaday saxiix maalintii ugu dambeysay, halka Danilo uu sidoo kale yahay mid xiiseynaya Gunners.
Xiddiga Palmeiras ayaa laga yaabaa inay ku adkaato inuu la qabsado Premier League , halka Luiz uu si fudud ugu biiri karo kooxda Arsenal oo uu isla markiiba soo bandhigi karo qaabkiisa.