Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa Matheus Martinelli

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fluminense Matheus Martinelli si ay ugu diiwaan geliyaan xiisaha ay u qabaan da ‘yarkaan aadka loo qiimeeyo.

19 jirkaan ayaa dhaliyay seddex jeer isla markaana caawiye ka noqday mid kale 16 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan, halkaasoo uu kula jiro qandaraas ilaa December 2024.

Sida laga soo xigtay Globo Esporte , Arsenal ayaa indha indheyneysay Martinelli bilowgii sannadka 2021 waxayna isha ku hayaan inay keenaan Emirates Stadium mustaqbalka dhow.

Warbixinta ayaa ah in Gunners ay durbaba la xiriirtay wakiilada da ‘yarkaan si ay ugala hadlaan inuu u dhaqaaqo, inkastoo kooxda ka dhisan Waqooyiga London aysan weli soo gudbin dalab rasmi ah.

Martinelli wuxuu la joogay Fluminense ilaa 2017 wuxuuna kulankiisii ​​ugu horreeyay ee xirfadeed u saftay kooxda reer Brazil bishii Diseembar 2020, isagoo wacdaro ka dhigay heer dhallinyaro.

Arsenal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa sahaminta suuragalnimada in saxiixa Borussia Dortmund  Julian Brandt ay badal u tahay xidiga Real Madrid ee Martin Odegaard .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*