Arsenal oo ugu cadcad inay lasoo saxiixato weeraryahan No.10-aad ee u dhashay Koofurta America

Photo/AFP

Xiddiga Juventus Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa Turin ka dib markii loo soo bandhigay kooxo badan oo Premier League ah.

27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa heshiiskiisa ku egyahay ilaa June 2022 – waxana uu kasoo muuqday kooxda kaliya lix kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan.

Paulo – oo ku guuldareystay inuu diiwaan geliyo gool ama caawiyo horyaalka – ayaa ku soo bilowday kaliya lix kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Old Lady ayaa dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo xiddiga reer Argentina, si kasta ha ahaatee wadahadalada ayaa la rumeysan yahay inay hakad galeen, taasoo horseedeysa inuu ka tago.

Sida laga soo xigtay 90min, Paulo ayaa haatan la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu ka tago Juve isagoo hore u diiday fursad uu uga tagali ahaa 2019.

Arsenal, iyo sidoo kale Tottenham, Chelsea, Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood heegan la galiyay suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*