Arsenal oo wadahadal la furtay 23 jirka garabka ka ciyaara ee Championship

kooxda reer London ee Arsenal ayaa u dhaqaaqay laacibka garabka uga ciyaara Norwich City ee Emiliano Buendia. Horaantii bishaan, warar soo baxayay ayaa sheegayay in Arsenal ay ku dartay xidigaha suuqa kala soo wareegi doonto xidiga reer Argentine ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Emiliano ayaa wacdaro ka dhigay Canaries-ka ololihii ugu dambeeyay ee PL, inkasta oo kooxdu ay ku laabatay heerka labaad, taageerayaasha Gunners-na waxay u arkaan garabkaas inuu xal u noqon karo dhibaatooyinka kooxda haysta khadka dhexe. Waxayna u muuqataa in ay tahay ugu cad cad xidiga.

Taagerayaasha Arsenal ayaa kooxda cadaadis ku saara in furto wada hadalka 23 jirkaan, kadib markii ay la dhaceen qaab ciyaareedka xidiga. The Gunners, si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay shaqo adag u hayaan wadahadalada ay la leeyihiin Canaries maadaama kooxda heerka labaad ka dhisan lagu soo waramayo inay 25 milyan oo ginni ku dooneyso weeraryahanka reer Argentina.

Isagoo warbixin sii daayey bishii hore, Emiliano wuxuu cadeeyay inuu aad ujecel yahay inuu kusoo laabto PL. ‘Marwalba waxaan dhahaa waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro heerka ugu fiican,’ ayuu yiri weeraryahanku. Waxaan u maleynayaa inuu yahay horyaalka ugu fiican Premier League. Waxaan hal talaabo ka soo laabtay Premier League si cad, waxaan doonayaa inaan halkaas ka ciyaaro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Si kastaba ha ahaatee, maamulaha Norwich Daniel Farke ayaa diiday inuu ku daro wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka Emiliano. ‘Wax faallooyin ah kama bixin dhinaceena. Tan waxaan haystay muddo saddex bilood ah, ‘ayuu yidhi usbuucii la soo dhaafay. ‘Waxay u badan tahay inaan ka hadlo maalin kasta bisha Janaayo waxyaabahaas. Marka anigu ku darsan maayo mala-awaalka xilligan. ‘

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*