Home Wararka Ciyaaraha Arsenal oo wajaheysa tartan Kooxaha Premier League ah oo ku aadan Denis...

Arsenal oo wajaheysa tartan Kooxaha Premier League ah oo ku aadan Denis Zakaria

0

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay tartan kala kulmeyso qaar ka mid ah kooxaha ay ku xafiiltamaan Premier League tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach Denis Zakaria .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa diyaar u ah inuu tartan cusub galo ka dib markii uu dib ugu soo biiray kooxda Bundesliga sanadkii 2017.

In ka yar 7 bilood ayaa ka harsan qandaraaskiisa, kooxo badan oo kala duwan ayaa ku tartamaya saxiixa 25 jirkaan, midkood Janaayo ama dhamaadka xilli ciyaareedka.

Marka loo eego 90 min , Everton iyo Leicester City waxay rabeen inay kula xafiiltamaan Arsenal adeegyada Zakaria bilaha soo socda.

Monchengladbach ayay u badan tahay inay door bidayso iibka qiimaha jaban bisha soo socota halkii ay sii haysan lahayd Zakaria ilaa dhamaadka ololaha.

Previous articleChelsea oo wadahadalo amaah ah kula jirta kooxda Barcelona ee ku aadan Timo Werner iyo Hakim Ziyech
Next articleManchester City oo ka mid ah kooxaha xiiseynaya Joao Felix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here