Arsenal ayaa heshay war fiican kadib markii kabtankooda Martin Odegaard lagu arkay tababarka kooxda.
Odegaard ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa September kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa Norway Gunners ayaana ku dhibaatootay maqnaantiisa.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ku fashilantay in ay badiso 3-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League iyaga oo guuldaro 1/0 ah kala kulmay Newcastle isla markaas 7 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka.
Laakiin waxa laga yaabaa inay Odegaard dib ugu soo laabto kooxda kulanka Inter ee Arbacada.
Odegaard ayaa ku biiray tababarka kooxda 1-aad iyada oo Mikel Arteta ka warbixin doono fursada xiddiga ee ciyaarista kulanka.