Goolhayaha Arsenal David Raya ayaa la soo warinayaa inuu shaki ku jiro inuu taam u yahay kulanka Premier League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Leicester Isbuucaan.
29-sano jirkaan ayaa seegay kulankii ay Arsenal 5-1 kaga badisay Bolton Arbacadii, iyadoo 16-sano jir Jack Porter uu ku soo baxay booskiisa. Laacibkii hore ee Brentford ayaa ciyaaray kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Manchester City isbuucii hore laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu ka tagay Etihad isagoo dhutinaya ka dib dhaawac Soo gaadhay laakiin waxa uu haatan tartan kula jiraa wakhtiga si uu diyaar u noqdo kulanka Leicester city.
Raya Ayaan ahaa dookha 1-aad ee kooxda Arsenal waxana la filayaa in Goolhaye Neto noqdo Goolhayaha ciyaari doona kulanka Leicester hadii uu Raya ka maqnaado kulanka.
Warkan Ayaan ah mid u xun kooxda Arsenal marka la eego in uu Raya ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah.