Arsenal oo xaqiijisay in Pablo Mari uu ku biiray Monza

Arsenal ayaa xaqiijisay in Pablo Mari uu amaah ugu biiray kooxda Monza ee ka ciyaarta horyaalka Serie Axilli ciyaareedka 2022-23.

28 jirkaan ayaa haatan ah dooqa shanaad ee daafaca dhexe ee Gunners isagoo ka dambeeya William Saliba , Rob Holding , Ben White iyo Gabriel Magalhaes mana ku jirin kooxdii jimcihii 2-0 kaga badiyeen Crystal Palace.

Mari ayaa boos ka waayay kooxda Mikel Arteta qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2021-22 ka dibna amaah ugu aaday Udinese, halkaas oo uu isla markiiba noqday kooxda koowaad.

Daaficii hore ee Flamengo ayaa laba gool u diiwangeliyay Le Zebrette 15 kulan oo Serie A ah, waxaana uu La Gazzetta dello Sport u xaqiijiyay inuu doonayo inuu ku laabto Italy.

Labada Monza iyo Hellas Verona ayaa ku dagaalamayay saxiixa Mari, kaasoo sidoo kale lagu xamanayay inuu xiriir la sameeyay kooxda Turkish Super Lig ee Fenerbahce.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*