Arsenal oo xiiseyneysa daafaca lagu qiimeeyo 10 milyan ginni ee kooxda Fulham Tosin Adarabioyo?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay miisaameyso saxiixa Tosin Adarabioyo ka dib markii ay ogaadeen in daafaca dhexe ee Fulham lagu heli karo qiimo jaban 10 milyan xagaagan.

23 jirkaan ayaa boos joogta ah ka heystay Fulham Premier League xilli ciyaareedkii hore, isagoo bilaabay 33 ka mid ah 38 kulan oo uu ciyaaray.

Adarabioyo ayaan ka hor istaagi karin kooxda Cottagers inay ka baxaan horyaalka, laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa ku kasbaday inuu la xiriiro kooxaha Newcastle United iyo Arsenal.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Gunners ayaa laga yaabaa inay ku soo xerogeliso xiddigii hore ee heerka caalami ee reer England qiimo macquul ah sida ku xusan qodobkiisa qandaraaskiisa.

Waxaa la sheegay in Adarabioyo loo ogolaan doono inuu ka tago Craven Cottage hadii miiska loo saaro 10 milyan oo ginni, inkastoo qandaraaskiisa uu dhacayo bil ka dib.

Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo Ben White , laakiin daafaca Brighton & Hove Albion ayaa ah mi qiimahiisa uu sareeyo.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*