Arsenal oo xiiseyneyso saxiixa Jaidon Anthony

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa garabka Bournemouth Jaidon Anthony .

Ka dib markii ay ku guuldareysteen isku daygii ay ku doonayeen inay la soo wareegaan bartilmaameedkooda ugu sareeya, Mykhaylo Mudryk , Arsenal ayaa sii waday inay raadiso bedelaad ay ku xoojiso kaalinta seddexaad ee ugu dambeysa.

Gunners ayaa qarka u saaran inay 27 milyan ginni kula soo wareegto Leandro Trossard , kaasoo lagu wado inuu tijaabada caafimaadka maro ka hor inta uusan u dhaqaaqin.

Halka Trossard uu u muuqdo inuu ku biirayo Arsenal bishaan, kooxda Mikel Arteta ayaa bartilmaameedsanaysa inay u dhaqaaqdo mid ka mid ah ciyaartoygoodii hore ee akadeemiga.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Gunners ayaa dooneysa inay la soo wareegto Anthony, kaasoo qandaraaskiisa Bournemouth uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*