Arteta oo amaan kala duldhacay David Liuz.

Mikel Arteta ayaa amaan kala duldhacay saameynta David Luiz isagoo ugu yeeray daafaca Arsenal ugu muhiimsan isagoo sheegay in farxad ay kula shaqeeyaan dhamaan xidighiisa

David Liuz ayaa la dhibtooday arrimo dhaawac ah xilli ciyaareedkan xidigaan u dhashay wadanka brazil ee Luiz wuxuu haatan ku raaxeysanayaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan waxaana loo magacaabay ninkii ugu fiicnaa ciyaartii Sabtida ay Arsenal barbaro 0-0 ah la gashay Manchester United ciyaar qeyb ka eheed Premier League.

33 jirka reer Brazil ayaa la sameeyay iskaashi cajiib ah Rob Holding dhanka daafaca dhexe ee Arsenal isbuucyadii la soo dhaafay waxaana lagu soo bilaabay mid kasta afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, isagoo ka caawiyay Gunners inay gaaraan guulo kulamadii ugu dambeeyey.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*