Arteta oo Shaaciyay Waqtiga uu soo Laabanayo Xidiga Gabriel Jesus

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaciyey waqtiga uu garoomada kusoo laaban doono weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo ku dhaawacmay Koobkii Adduunka ee Qatar, waxaana uu si weyn uga farxiyey jamaahiirta kooxdiisa.

Gabriel Jesus oo ay Arsenal £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Manchester City ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu soo bandhigayey sawirro uu muujinayo inuu horumar ka samaynayo dhaawaca jilibka.

25 jirkan oo toddobaadkan la hadlayay feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib ayaa waxa uu sheegay inuu afar illaa shan usbuuc gudahood kusoo laaban doono garoomada, hase yeeshee tababare Mikel Arteta ayaa maanta saxaafadda u sheegay inuu kasoo horreyn doono waqtigaas.

Shir jaraa’id oo Arbcadii maanta uu ka hadlayay Arteta ayaa lagu weydiiyey waqtiga uu soo laabanayo Jesus, waxaanu ku jawaabay: “Isagu waxa uu doonayaa inuu toddobaadka dambe nagu soo laabto.”

Arteta ayaa waxa uu dhinaca kale qiray in aan taam ahaansho buuxa iyo inuu u ciyaaro kooxda ay qaadan doonto waqti dheer, waxaanu yidhi: Waqtiga uu ciyaari doono anigu ma ogi, suurtogalna ma aha inuu toddobaadka dambe ee uu doonayo inuu soo laabto uu ciyaaro.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*