Arteta oo toban da’yar ah ku daray tababarka sare ee Arsenal

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa todobaadkan ku daray toban ciyaartoy oo da’yar ah kooxdiisa heerka sare 

Khadka dhexe Matt Smith, Mauro Bandeira iyo Jack Henry-Francis ayaa tababar la qaatay kooxda kowaad oo ay weheliyaan daafacyada Reuell Walters, Elian Quesada-Thorn iyo Taylor Foran iyo weeraryahan Nathan Butler-Oyedeji, sida uu u sheegay Jeorge Bird websiteka dhalinyarada Arsenal .

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Joel Ideho iyo goolhaye Hubert Graczyk iyo James Hillson ayaa sidoo kale ku lug lahaa.

Ciyaartoyda kooxda koowaad ee ka qayb qaatay kulanka waxaa ka mid ah Ben White, Gabriel Martinelli , Eddie Nketiah , Gabriel Jesus , Rob Holding , Marquinhos, Gabriel, Reiss Nelson , Fabio Vieira iyo Albert Sambi Lokonga .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*