Arthur Melo wuxuu ku adkeysanayaa inuu ka qoomameynayo inuu diiday u ciyaarista Barcelona

Arthur Melo ayaa qirtay inuu ka qoomameynayo inuu diiday inuu u ciyaaro Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/20 ka dib markii uu ku biiray Juventus.

Arthur wuxuu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Serie A heshiis 72 milyan ginni ah bishii Juun, iyadoo Miralem Pjanic uu u dhaqaaqay dhanka Barcelona lacag ku kaceysa 60 milyan oo ginni.

Arthur ayaa ciyaaray kulanki Juventus ee Barcelona ee Champions League Talaadadii

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil ayaa ahaay ciyaaryahan Barcelona ah ilaa bishii Sebtember, laakiin wuxuu diiday inuu ku biiro asxaabtiisa si uu u arko ololahooda Champions League xilli ay jiraan warar sheegaya in laga iibiyay Juventus oo uusan dooneyn.

Hadii fursad la siin lahaay mar kale, Arthur wuxuu qirtay inuu u dhaqmi lahaa si ka duwan sidii hore – laakiin wuxuu ku adkeysanayaa go’aanka u dhaqaaqista Juventus inuu ahaa dooqiisa.

“Waxaan go’aansanay aniga iyo qoyskeyga in tahay wax fiican,” ayuu Arthur u sheegay wargeyska Brazil ee Globo. Waxaan doortay dookhayga, xulashadu waxay ahayd tayda, cidina iguma qasbin inaan wax sameeyo.

Aad ayaan ugu faraxsanahay doorashada aan sameeyay, qoyskeyguna sidoo kale aad ayey u faraxsanyihiin. Waana inaan u mahadceliyo Barcelona, Sababtoo ah albaabada ayey iiga fureen Yurub. Aad ayaan u jeclahay kooxda sidoo kale.

“Haddii aan wax ka beddeli lahaa waxyaabaha qaarkood, waxaan u maleynayaa inay taasi beddeli lahayd, anigu kama xishoodo inaan iraahdo waxaan u maleynayaa in laga yaabo in aan ku qaldamay arrintaas.

“Laakiin way adag tahay in la xukumo, maxaa yeelay qofna ma oga waxa aan la soo kulmay, waxa qoyskeyga soo maray. Waxay ka sii fogaaday goobta. Wax badan ayaa socday. Laakiin waa waxyaabo nolosha ka dhaca adiguna waxaa badan ayaa ka bartay. ”

Diidmada Arthur ee ciyaarta ayaa la micno ah inuu ka maqnaa kulankii ay Barcelona guuldarada 8-2 ka soo gaartay Bayern Munich ee wareega quarter-finalka Champions League, laakiin wuxuu qirtay in qasaaraha ay wali adag tahay in la qaato.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*