Ashley Young oo ku dhow inuu dib ugu soo laabto Ingiriiska

Inter Milan xidigeeda Ashley Young ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadal kula jiro Watford si uu xagaaga ugu laabto Vicarage Road.

35 jirkaan ayaa ka soo dhex muuqday safka dhalinyarada ee Hornets wuxuuna u saftay kooxda 107 kulan – wuxuu u dhaliyay 22 gool, waxaana uu diiwaan galiyay 10 kale – ka hor inta uusan u dhaqaaqin Aston Villa 2007.

Young ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ololihii ay Inter ku guuleysatay Serie A xilli ciyaareedkan – isagoo bilaabay 14 kulan oo sarre, iyo seddexna caawinayuu laakiin heshiiska uu kula jiro kooxda Antonio Conte ayaa dhacaya dhamaadka bisha June.

Iyadoo aysan jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan kordhinta heshiiskiisa ayaa loo maleynayaa inay miiska saaran yihiin arimo kale sida bixitaanka, wariye Fabrizio Romano ayaa sheeganaya in Watford ay ku rajo weyn tahay inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka reer England si xor ah xilli ciyaareedka 2021-22.

Romano ayaa intaas ku daray in kooxda Hornets, oo xaqiijisay inay si toos ah ugu soo laabatay Premier League, ay heli doonaan “fursado aad u weyn” oo ay ku heli karaan ciyaaryahanka khadka dhexe haddiiba ay Inter ka horjoogsato inay qandaraaska u kordhiso.

Young ayaa u soo muuqday 58 jeer kooxda Inter tan iyo markii uu yimid bishii January ee sanadkii 2020 isaga oo dhaliyay 4 gool 8 kalena caawiye ka noqday kooxda Nerazzurri.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*