Aston Villa 1-2 Manchester City, Rúben Dias iyo Bernardo Silva oo guul muhiim ah gaarsiiyay City

Booqashada City ee Garoonka Aston Villa ayaa ku soo dhamaaday guul muhiim ah kulankooda 14aad ee Horyaalka Premier league-ga iyagoo mar kale Farqiga hogaanka soo yareeyay.

Rúben Dias iyo Bernardo Silva ayaa City ka Caawiyay guul muhiim ah oo timid qeybta hore ee Ciyaarta.

27 Daqiiqo Bernardo Silva ayaa hogaanka u dhiibay Kooxdiisa City isagoo Banaanka kasoo toogtay kubad Awood badan oo markeeda hore banaanka soo dhigay Sterling oo soo Qayaameeyay mid kamid ah Daafacyada kooxda Aston Villa.

isla qeybta hore dhamaadkeeda Daqiiqadii 43aad waxaa Shabaqa soo taabtay Bernardo Silva oo ka faa’ideestay kubad lasoo qaaday oo banaanka loo soo dhigay Aston Villa ayaa sameesay Dadaal xoogan qeybta danbe ee ciyaarta waxayna heshay gool kaasi oo aanan ku filnaanin inay bar-baro ka dhigan kulankan.

City ayaa mar kale ku dhawaatay kooxda chelsea oo leh 33 Dhibcood halka City ay leedahay 32 Dhibcood waxana  halis ku jirta kooxda mar walbo la kulanta Bar-baro.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*