Atalanta 1-1 Juventus: Danilo oo waqtigii dhimashada guul daro ka badbaadiyay Bianconeri

Danilo ayaa dhaliyay gool waqtigii dheeriga ahaa goolkaasi oo Juventus ka caawiyay inay badbaadiyaan barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Atalanta kulan ka dhacay garoonka Gewiss Stadium.

Juventus ayaa sii adkeysatay booskeeda 4aad ee Horyaalka iyadoo leh 46 dhibcood waxana ku soo xiga kooxda Atalanta ee bar-baraha la gashay kuwaasi oo leh 44 dhibcood iyagoo isla lumiyay fursad ay ku soo gali kareen booska 4aad.

Kooxda Gian Piero Gasperini ayaa u muuqatay mid ku sii socota guusheedii 3-aad oo xiriir ah horyaalka heerka kowaad kadib markii uu Ruslan Malinovskiy dhaliyay gool cajiib ah isagoo banaanka kasoo toogtay goosha daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.

Danilo ayaana kubad madax ah u dhaliyay Juventus Daqiiqadii 90+2aad  si uu u sii dheereeyo rikoorka guuldaro la’aanta ee Juve ilaa 11 kulan tan iyo markii laga badiyay kulanki November.

Natiijadu waxay la macno tahay Juve inay ku sii jirto kaalinta afaraad, iyadoo laba dhibcood ka sareysa kooxda martida loo yahay, inkastoo La Dea uu kulan baaqi u yahay.

dhanka kale kooxda Sassuolo ayaa bar-baro 2-2 waxay ku qabatay kooxda Roma oo hada ku jirta kaalinta 7aad ee horyaalka iyadoo leh 40 dhibcood.

Juventus ayaa kulankeeda xiga waxay la ciyaareysa kooxda Torino.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*