Athletic Bilbao 3-2 Barcelona: Kooxda heysata Copa del Rey ee Barca oo Xalay Laga Ciribtiray Koobka

Kooxda difaacaneysa koobka ee Barcelona ayaa laga reebay Copa del Rey, waxaana ay arkeen koob kale oo meesha ka baxay iyadoo kooxda Xavi ay 3-2 guul daro ah kala kulmay Athletic Bilbao.

Kabtanka kooxda Iker Muniain ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay iyo kii ugu dambeeyay ee kulanka, isaga oo ku daah furay goolasha. Ferran Torres ayaa ka jawaab celiyay ciyaarta ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada isagoo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Barcelona.

Inigo Martínez ayaa hogaanka u soo Celiyay Athletic Daqiiqadii 86aad lakin Pedri ayaa dhaliyay gool daqiiqadii seddexaad ee waqtigii dhimashada.

Muniain ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay Athletic,iyadoona markan aysan jirin wax dib u soo laabasho ah oo ay Sameesat Barcelona, waxana uu dhaawac muuqda ku waayay Ansu Fati oo bedel ku soo galay.

Barcelona ayaa 4-0 ku garaacday Athletic finalkii sanadkii hore, iyadoo Lionel Messi uu labo gool dhaliyay, Antoine Griezmann hal iyo Frenkie de Jong. Taas ayaa ka dhigtay aargoosigan macaan.

Dhanka kale Isco ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Real Madrid oo guul ka gaartay Elche ka hor inta uusan Hazard dhalin goolkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkaan o u dhaliyo Madrid .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*