Atletico Madrid oo Barcelona udiidan saxiixa xidiga Joao Felix.

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ay is hortaagto isku day kasta oo ay Barcelona ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Joao Felix xagaagan.

22-sano jirkaan ayaa ku yimid Wanda Metropolitano isagoo kaga soo biiray Benfica 2019 qiimo dhan 107 milyan ginni, laakiin ma uusan awoodin inuu ka soo baxo rajada laga qabo qiimo weyn oo saxiix ah.

Ilaa hadda, xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu fiicnaa ee gooldhalinta Atletico wuxuu ahaa sanadkii hore, markaasoo 10 jeer uu shabaqa soo taabtay tartamada oo dhan, halka uu ku dhuftay tiro la mid ah ololahan, isagoo dhaliyay sideed lixna caawiye ka ahaa 30 kulan oo uu saftay.

Shabakadda GOAL ayaa ku warameysa in tirada la filayo uu ka hooseeyo, Felix uu baaqi kusii ahaan doono caasimadda Spain, xilli Diego Simeone uu ku adkeystay inuu xubin muhiim ah ka yahay kooxdiisa.

Qandaraaska Felix ee kooxda ayaa haatan ku eg ilaa 2026, waxaana lagu burburin karaa 296 milyan ginni, taasoo ay u badan tahay inay Barcelona ka baxdo heshiis kasta oo ay rabeen inay ku helaan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhaliyay 27 gool, waxaana uu caawiyay 15 kale 106 kulan oo uu u saftay kooxda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*