Atletico Madrid oo sheegtay in aanay iibin doonin Luis Suarez bisha Janaayo inkastoo ay Aston Villa u gacan haatinayso.

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax niyad ah u haynin inay u ogolaatoLuis Suarez inuu ka tago Wanda Metropolitano inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Inkastoo uu dhaliyay sagaal gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, 34-sano jirkaan ayaan haatan loo arkin dookha koowaad ee tababare Diego Simeone .

Iyadoo wax ka yar lix bilood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, waxaa si isdaba joog  ah u soo baxaya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka ciyaar yahankan, hadaba wararku waxay intaa kudarayaan  inuu xidigani ku faraxsan yahay inuu u wareego Aston Villa .

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Goal , Atletico ayaan haatan diyaar u ahayn inay iska diraan xidagan heer caalamiga ah inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 2022.

Si kastaba ha ahaatee, Suarez ayaa weli ku jira boos uu kula hadli karo kooxaha ajnabiga ah ee ku saabsan beeca xorta ah marka uu dhamaado heshiiskiisa.

Dhinaca kale, Kooxaha Brazil iyo Saudi Arabia ayaa la sheegayaa inay isha ku hayaan xaaladda ciyaaar yahankan

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*