Diego Simeone iyo Kooxdiisa ayaa guul muhiim ah ka gaaray kooxda Valencia kulan ka tirsan Horyaalka Spain ee la Liga oo ku soo dhamaday 3 iyo 1.
Atletico Madrid ayaana hada 7 dhibcood oo nadiif ah ka horeysa kooxda ku jirta booska labaad ee Real Madrid.
Kooxda Valencia ayaana ku hormay Goolka Daqiiqadii 11- aad ee ciyaarta waxana u saxiixya Uros Racic Atletico Madrid ayaana heshay goolka barbaraha daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay 1 iyo 1.
Atletico Madrid ayaana qeybta danbe wax badan ka badashay ciyaarta iyadoo Luis Suarez uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta kahor inta uusan goolka sadexaad dhalin Angel Correa guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3-1.
Maxaa Xiga.
Kooxda Atletico Madrid ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta kooxda Cadiz isla horyaalka.