Home Wararka Ciyaaraha Maanta Atletico Madrid oo Bar-baro 2-2 kala kulantay Caawa Kooxda Celta Vigo

Atletico Madrid oo Bar-baro 2-2 kala kulantay Caawa Kooxda Celta Vigo

0

Kooxda Celta Vigo ayaa caawa bar-baro lama filaan ah ku qabatay kooxda Atletico Madrid oo heysa hogaanka Horyaalka La Liga iyadoo waqtiga dhimashada laga dhaliyay goolka Bar-baraha ee ciyaarta.

Xidiga Luis Suarez oo jahwareer ku riday Kooxda Barcelona kadib qaladkii ay iskaga soo direen ayaa Atletico madrid u dhaliyay labada Gool ee kulankan Daqiiqadihii 45-aad iyo 50-aad ee ciyaarta Kooxda Celta Vigo ayaana labada gool ee Bar-baraha ka heshay Santi Mina oo goolka hore daah-furay Daqiiqadii 13-aad iyo goolka labaad oo yimid Daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta waxana u saxiixay Facundo Ferreyra.

Atletico Madrid ayaana bar-baraha Caawa waxay 8 dhibcood kaga horeysaa labada koox ee Real Madrid iyo Barcelona oo leh min 43 dhibcood oo nadiif ah inkastoo Atletico Madrid uu u harsan yahay hal kulan.

Maxaa Xiga

Kooxda Atletico Madrid ayaa kulankeeda Xiga booqandoonta kooxda Granada Sabtida soo socota kulankaasi oo qeyb ka ah isla Horyaalka La Liga.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here