Kooxda Atletico Madrid oo sanadkan ku jirta kubadii ugu wanaagsaneyd ayaa gurigeeda ku garaacday kooxda Sevilla ciyaar ku dhamaatay 2 iyo 0 kulan ka tirsan Horyaalka Laliga lugtiisa 16-aad iyadoo labo kulan ay u harsanyihiin.
Xidigaha Macalin Diego Simeone ayaana badalay farqiga hogaanka horyaalka iyagoo 4-dhibcood ka saramaray kooxda Ream Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.
Qeybta hore ayayna Atlecito Madrid heshay goolka hore waxana daqiiqadii 17- u saxiixay Angel Correa iyadoo lagu kala nastay goolkaasi lakin isku imaatinka qeybta Danbe ayay Atletico sii dheereesatay goolasha kulanka waxana shabaqa soo taabtay Saul Niguez daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaana ku soo dhamaaday 2 iyo 0.
Guusha Atletico Madrid ayaana ka dhigan in hogaanka ku qabato Afar dhibcood iyagoo wali u harsanyahay labo kulan oo dheeraad ah.
Maxaa Xiga
Atletico Madrid ayaana kulanka xiga waxay booqandoonaa kooxda Eibar kulan ka tirsan La Liga