Atletico Madrid oo ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Arsenal Hector Bellerin

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto Hector Bellerin oo ay kala soo wareegayaan Arsenal xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa hoos u dhac ku yimid xilligii Mikel Arteta sanadkii hore laakiin wuxuu ku riyaaqay amaah cajiib ah dalkiisa hooyo ee Real Betis xilli ciyaareedkii 2021-22.

Bellerin ayaa Copa del Rey kula guuleystay kooxda Manuel Pellegrini , oo sidoo kale ku dhameysatay kaalinta shanaad ee La Liga, waxaana uu wadar ahaan u sameeyay shan caawin 32 kulan oo uu u saftay Verdiblancos.

Daafaca midig ayaa loo malaynayaa inuu go’aansaday in mustaqbalkiisu ka fog yahay Arsenal, waxaana la filayaa inuu raadsado meel kale ka dib 11 sano oo uu ku sugnaa Waqooyiga London.

Qandaraaska Bellerin ee Emirates wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, Arsenal ayaana lagu soo waramayaa inay dooneyso inay 8.5 milyan ginni ku hesho 27 jirkaan.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*