Home Horyaalka Spain Atletico Madrid oo Waqtiga dhimashada guul ka gaartay Eibar Kulan ka tirsan...

Atletico Madrid oo Waqtiga dhimashada guul ka gaartay Eibar Kulan ka tirsan Horyaalka la-liga

0

Mar kale ayuu xidiga Luis Suarez fariin u dirayaa kooxda Barcelona markii ay si qalad ah iskaga soo direen isagoo labo mar shabaqa soo taabtay ciyaar kooxda Atletico Madrid la ciyaartay kooxda Eibar oo qeyb ka ah Horyaalka Spain.

Xidigaha Atletico Madrid ayaa caawa u muuqday kuwa barbaro lagu qaban lahaa lakin kubad qalad aheyd oo lagu galay Luis Suarez diilinta ganaaxa ayuu u badalay Gool daqiiqadi 89-aad ee ciyaarta isago goolhayaha si qurux badan ugu dulqaaday isla goolka hore isaga ayaa u dhaliyay Daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 1-2.

Atletico madrid ayaa hada hogaanka ku heysa 7 dhibcood oo nadiif ah waxana ku soo xigta Real Madrid oo leh 37 dhibcood.

Maxaa Xiga

Kooxda Atletico Madrid ayaa Kulanka Xiga la ciyaaridoonta kooxda Valencia isla Horyaalka Spain ee la Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here