Aurelien Tchouameni oo Tijaabada Caafimaadka u maray Real Madrid

Aurelien Tchouameni ayaa la arkay isagoo dhoola cadeynaya intii lagu guda jiray tijaabada caafimaadka Real Madrid ka hor inta aan la soo bandhigin talaadada dambe.

Laacibka khadka dhexe ee reer France ayaa sabtidii heshiis 85 milyan ginni ah kaga soo biiray kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Monaco isagoo u saxiixay heshiis lix sano ah.

Tchouameni ayaa si farxad leh u soo muuqday isagoo suulkiisa kor u taagaya markii uu baaritaan caafimaad ku sameynayay cisbitaalka La Moraleja ee caasimadda Spain.

Kooxda difaacanaysa koobka Champions League iyo La Liga ayaa sawirkan soo dhigay bartooda rasmiga ah ee Twitter-ka oo ay ku heestaan 42.4 milyan oo taageerayaal ah.

Qoraalkooda ayaa ahaa: ‘Sawirkii aad sugayseen Baaritaanka caafimaadka ee Isbitaalka Jaamacadda Sanitas La Moraleja #WelcomeTchouameni.’

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*