Aymeric Laporte oo la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Sebtember ka dib qaliin jilibka ah

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in daafaca Aymeric Laporte uu garoomada ka maqnaan doono ilaa bisha Sebtember ka dib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay.

28-sano jirkaan ayaa seegay safarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda ee USA sababo la xiriira dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii Wolverhampton Wanderers dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Ka dib markii uu muddo kooban booskiisa u waayay John Stones , Laporte ayaa dib u helay booskiisa daafaca dhexe wuxuuna sameeyay iskaashi guul leh isaga iyo Ruben Dias 2021-22.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa dhaliyay afar gool 33 kulan oo uu u saftay Citizens xilli ciyaareedkii hore, sidoo kale waxa uu soo bandhigay 11 jeer tartamada Champions League iyo FA Cup.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Laporte uu haatan seegi doono bilowga difaacashada horyaalka City iyo sidoo kale kulanka Community Shield ee sabtida ay Liverpool ku wajihi doonto King Power Stadium.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*