Home Suuqa Kala iibsiga Baacsigii ay Man United ugu jirtay saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Noussair...

Baacsigii ay Man United ugu jirtay saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Noussair Mazraoui oo halis ku jira

0

Baacsigii ay Man United ugu jirtay saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Noussair Mazraoui ayaa halis ku jira sabab la xidhiidha in uu bur-bur ku dhaw yahay heshiiskii uu Aaron Wan-Bissaka ugu biirayay kooxda West Ham.

Red Devils ayaa aad u dooneysa inay Mazraoui kala soo wareegto Bayern Munich, laakiin heshiiska wuxuu ku tiirsan yahay inay Wan-Bissaka ka tago kooxda.

In kasta oo la sheegay in West Ham ay ku qanacsan tahay inay buuxiso qiimaha United ee 18 milyan oo ginni ee daafaca dambeedka midig, 26 jirkaan aad uma xiisaynayo in uu hoos u dhigo mushaharkiisa.

Iyadoo tababaraha cusub ee Julen Lopetegui uu aad u doonayo daafac midig oo cusub, wargayska The Telegraph ayaa sheegay in ay dareenkooda u jeedinayaan xiddiga Newcastle United iyo England Kieran Trippier.

Hadii uu Wan-Bissaka ka tagi waayo kooxda Man United waxa ay la macno tahay in ay kooxdu ku dhibatoon doonto in ay la soo saxiixato xddiga Noussair Mazraoui.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here