Home Horyaalka Ingiriiska Barcelona, ​​Real Madrid oo isha ku heya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester...

Barcelona, ​​Real Madrid oo isha ku heya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes?

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soo muuqday bartilmaameedka kooxaha Barcelona iyo Real Madrid .

Fernandes ayaa ku riyaaqay 11kii bilood ee ugu horeysay ee Old Trafford, isagoo ku soo kordhiyay 18 gool 13 kalena caawiye ka ahaa kaliya 33 kulan oo uu saftay.

Iyadoo ciyaaryahanka reer Portugal uu heysto qandaraas gaaraya ilaa 2025, United ayaa ku jirta boos adag oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Fichajes , Fernandes wuxuu eegi doonaa inuu ka tago kooxda ka dhisan Premier League haddii aysan wax horumar ah ku sameyn kooxda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 26 jirkaan uu ka ‘daalay’ jawiga United, taasoo ka dhigeysa inuu ka fikiro mustaqbalkiisa dheer.

In kasta oo ay dhaqaale xumo haysatay dhowaanahan, Barcelona iyo Real ayaa la sheegay inay u dhaqaaqi doonaan Fernandes haddii ay dareemaan in United ay iib u furan tahay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here