
Barcelona ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay Rayo Vallecano ciyaar ku soo dhamaatay 1-0 taas oo la macno ah in Real Madrid ay sare u qaadi karto qorshayaasha ay ku doonayso in ay ku guuleysato koobka.
Barcelona oo sidan oo kale Isniintii toddobaadkii hore ay Cadiz ugu garaacday garoonkeeda, isla markaana hal gool oo madi ah loogaga badiyey sidan oo kale ayaa waxay hanashada horyaalka kusoo dhoweysay Real Madrid oo toddobaadka soo socda loo caleemo-saari doono horyaalka haddii ay guuleysato.
Daqiiqaddii toddobaad ayuu Alvaro Garcia gool qurux badan ka dhaliyey Barcelona iyadoo dhawr baas meel fog uu ka helay Isi Palazon oo si farshaxan leh kubadda ugu soo dhiibay.
Goolkaas ayaa ku filnaaday kooxda martida oo ay ku heshay saddex dhibcood oo ay kusoo gashay kaalinta 11aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Spain ee LaLiga.
Xavi Hernandez ayay kooxdiisu dedaal badan samayay qaybtii labaad, balse wax kasta oo ay sameeyeen waxay awoodi waayeen inay gool dhaliyaan.
Natiijada ciyaartan ayaa ka dhigan in Barcelona saddex ciyaarood oo isku xiga lagaga badiyey garoonkeeda Camp Nou, waxaana Cadiz oo Isniintii hore ku garaacday uga sii horreysay Eintracht Frankfurt oo wareegga siddeedda Europa League ku karbaashtay, kagana reebtay tartanka.
Be the first to comment