Barcelona 1-0 Espanyol, Barca oo guul ku soo dhaweesay Xavi, iyo Atletico oo guul gaartay, Natiijooyinka kulamada La-Liga

kooxda Barcelona ayaa guul ciriiri ah ka gaartay kooxda Espanyol kulan ka tirsan Horyaalka La Liga Spain oo ku soo dhamaaday 1-0.

Gool uu u dhaliyay Xidiga Memphis Depay isla markana ahaa rigoore ayaa kooxda Barcelona u xaqiijiyay guusha Caawa.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 48aad ee ciyaarta Barcelona ayaa heshay goolka guusha, Goolka oo ahaa mid rigoore ah ayaa yimid kadib markii qalad lagu galay Memphis Depay isla xidigan ayaa rigoorada u soo istaagay isagoo gool u badalay.

Natiijo ahaan Barcelona ayaa kor isku soo qaadaday iyadoo soo gashay kaalinta 6aad iyadoo leh 20 dhibcood.

dhanka kale kooxda Atletico madrid ayaa guul ka gaartay kooxda Osasuna kulan ku soo dhamaaday 1-0.

Daqiiqadii 87aad ee ciyaarta xidiga Felipe ayaa kooxdiisa Atletico Madrid u dhaliyay goolka guusha oo muhiim u ahaa.

Natiijo ahaan Atletico madrid ayaa fadhisa booska 4aad iyadoo leh 26 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*