Barcelona 1-2 Real Madrid, David Alaba iyo Lucas Vazquez oo Real Madrid ka Caawiyay Guusha

Kooxda Real Madrid oo Booqasho ugu Tagtay Kooxda Barcelona kulan ka tirsan Horyaalka La Liga Spain ayaa ka gaartay guul Muhiim ah.

Xidigaha Alaba iyo Lucas Vazquez ayaa Barcelona ka Caawiyay Guusha Caawa Xili Sergio Aguero oo Badal ku soo galay uu Gool u dhaliyay Barcelona.

Sharaxaada Ciyaarta

David Alaba ayaa hoggaanka u dhiibay Real Madrid qaybtii hore, isaga oo kubbad awood badan dhaafiyey goolhaye Ter Steven kaddib fursado ay labada kooxood iska khasaariyeen, ka hor intii aanay dhamaadka qaybta labaad laba gool oo degdeg ah iska dhalin labada kooxood.

Lucas Vaquez ayaa daqiiqaddii 94aad hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid, waxaase iyadoo uu garsooruhu afka ku hayo siidhiga dhamaadka goolka madiga ah ee aan waxba ka  beddelin ciyaarta u dhaliyey Barcelona weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.

Shaxdii labada kooxood

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Oscar Mingueza, Gerard Pique, Eric Garcia, Jordi Alba; Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Gavi; Sergino Dest, Memphis Depay, Ansu Fati.

Kaydka: Riqui Puig, Yusuf Demir, Neto, Philippe Coutinho, Clement Lenglet, Luuk de Jong, Sergio Aguero, Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Inaki Pena, Nicolas Gonzalez, Alejandro Balde.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Eder Militao, David Alaba, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Rodrygo, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Daniel Carvajal, Jesus Vallejo, Nacho Fernandez, Eden Hazard, Marco Asensio, Marcelo, Andriy Lunin, Federico Valverde, Mariano Diaz, Eduardo Camavinga, Luis Lopez, Antonio Blanco.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*