Home Wararka Ciyaaraha Barcelona oo dooneysa inay Matthias Ginter keento Camp Nou.

Barcelona oo dooneysa inay Matthias Ginter keento Camp Nou.

0

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay si xor ah kula soo saxiixato xiddiga kooxda Borussia Monchengladbach ee Matthias Ginter .

27-sano jirkaan ayaa mar kale u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxdiisa Jarmalka intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo u saftay 10 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan siddeed ka mid ah kulamada Bundesliga.

Qandaraaska Ginter ee Borussia-Park waxa uu dhacayaa xagaaga soo socda, inkastoo daafaca dhexe uu xor u yahay inuu wadahadal la yeesho kooxaha ajnabiga ah bilowga 2022.

Sida laga soo xigtay Fichajes , Barcelona ayaa u aqoonsatay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka bartilmaameedka koowaad, iyadoo kooxda reer Catalan ay eegayso saxiixyo jaban sababo la xiriira dhanka dhaqaalaha.

Warbixintu waxay sheegtay in da’da Ginter iyo waayo-aragnimadiisa ay soo jiidatay kooxda reer Catalan, halka uu si raaxo leh ugu habboon yahay qaab dhismeedka mushaharka kooxda.

Jarmalka, oo sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid , ayaa dhawaan sheegay inuu u furan yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Monchengladbach.

Previous articleParis Saint-Germain oo kula dagaalami doonta Manchester City iyo Liverpool saxiixa Toni Kroos
Next articleBarcelona oo u dhaqaaqaysa Xidiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here