Barcelona iyo Arsenal oo Labaduba Xiisa Gaar ah U Qaba saxiixa Ilkay Gundogan xagaagan.

Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay labaduba xiiso u qabaan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Qandaraaska xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ee Etihad Stadium ayaa ku eg bisha June ee soo socota, Citizens ayaana lagu eedeeyay inaysan qorsheyneynin inay u kordhiso.

Natiijo ahaan, 31-sano jirkaan ayaa lagu wadaa inuu diyaar u noqdo suuqa soo socda inkastoo uu mar kale ciyaaryahan muhiim ah u yahay kooxda Pep Guardiola inta lagu jiro xilli ciyaareedka 2021-22.

Gundogan ayaa 42 jeer ka soo muuqday tartamada oo dhan Citizens xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool, waxaana uu ka qayb qaatay lix caawin.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano , wakiilada ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa haatan wadahadalo kula jira Man City si ay uga baxaan xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa dhaliyay 47 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 33 caawin 252 kulan oo uu u saftay Citizens tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Dortmund bishii Luulyo 2016.

Go’aan ku saabsan mustaqbalka Gundogan ayaa la sheegay in la gaari karo usbuuca soo socda, marka ay Man City soo gabagabeyso ololaheeda 2021-22 ee Premier League.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*