Barcelona iyo Manchester City oo ku dagaalamaya saxiixa xiddiga Arsenal Alexandre Lacazette

Kooxaha Barcelona iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay ku dagaallamaan saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette .

Laacibkii hore ee Lyon ayaa dib ugu laabtay shaqada kooxda Gunners usbuucyadii la soo dhaafay, laakiin weli waxaa la filayaa inuu baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco 2022.

Atletico Madrid iyo Roma ayaa labadaba lala xiriirinayay Lacazette inkastoo Arsenal lagu xamanayay inay ka shaqeyneyso heshiis kordhin cusub .

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo 30-sano jirkaan loo maleynayo inuu qandaraas waqti dheer ah saxiixayo Fichajes ayaa sheeganeysa in Man City iyo Barcelona ay ku dagaalamidoonaan saxiixa Lacazette xagaaga soo aadan.

Lacazette ayaa kaliya seddex gool dhaliyay 10 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, mid ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyay Premier League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*