Barcelona iyo Real Madrid oo isku diyaarinaya soo qaadashada Alejandro Monserrate

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Zaragoza ee Alejandro Monserrate.

Barcelona ayaa isha ku haysay in muddo ah waxayna booqatay Zaragoza si ay isugu dayaan in ay la soo saxiixdaan.

Waxay og yihiin inaysan kaliya ahayn kuwa doonaya Jano, iyadoo Real Madrid iyo Roma ay sidoo kale xiiseynayaan saxiixiisa xagaaga soo aadan, sida uu qoray Sport .

Dhawr maalmood gudaheed wuxuu buuxin doonaa 16, Isagoo saxiixi karo qandaraaskiisii ​​​​ugu horeeyay ee xirfadeed.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*