Kooxaha waaweyn ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa loo diiday oo waliba laga mamnuucay isticmaalka magaca ‘El Clasico’ ee caanka ay ku tahay ciyaarta labadan kooxood, isla markaana adduunyadu ugu tixgeliyo.
Wargeyska Relevo ee adka looga akhristo waddanka Spain, ayaa sheegay, xafiisyada Spanish Patent iyo Traemark Office ee hore ‘El Clasico’ ugu xidhay kulanka labadan kooxood, in hadda ay meesha ka saareen xuquuqdaas oo magacaas lasoo dhigayo suuqa isla markan uu u furnaan doono kooxaha kale ee xafiiltamaya.
Go’aankan ayaa ymid markii ay Real Madrid dalbatay in sumadda ama magaca ‘El Clasico’ uu xafiiska dhawrista xuquuqda ee Spain uu doonayo inuu u diido iyaga iyo Barcelona.
Wargeyska kale ee Forbes ee wax ka qora dhaqaalaha ayaa sheegay, in xafiisyada Spanish Patent iyo Trademark Office ay rumaysan yihiin in magaca ‘El Clasico’ ay mar horeba adduunyadu baratay oo uu hirgalay, isla markaana aan loo bahnayn in uu sii ahaado mid u diiwaangashan kaliya kulamada ay wada ciyaarayaan labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona.
Arrintan ayaa dhibaato weyn ku noqon doonta Barcelona iyo Real Madrid, waxaanay ku qasban yihiin in ay si degdeg ah suuqyada uga saaraan alaabooyinkooda ay ku taallo calaamadda ‘El Clasico’, sida dharka labada kooxood, kabaha ciyaartoyda iyo qalabka kale ee ciyaaraha.
Barcelona iyo Real Madrid ayaa go’aankan ka qaadan doona rafcaan, waxaana la filayaa in ciyartooda saaxiibtinimo ee July 29 ee waddanka Maraykanka ay isticmaali doonaan magacan ay ku caan-baxday ciyaartoodu.
Laakiin haddii ay ku guul-darraystaan rafcaanka iyo dacwadda, waxay ciyaartoodii ugu dambaysay ee la maqlo magaca ‘El Clasico’ uu noqon doonaa semi-finalkii Copa del Rey ee bishii April ay Real Madrid 4-1 ku karbaashtay Barcelona.