Home Horyaalka Spain Barcelona oo bar-bar dhac kala kulantay Kooxda Cadiz

Barcelona oo bar-bar dhac kala kulantay Kooxda Cadiz

0

Kooxda Barcelona ayaa mar kale taako loo dhigay kulan ka tirsan Horyaalka la liga oo ay la ciyaartay kooxda Cadiz.

Barcelona ayaana Cadiz kala kulantay bar-bardhac gool iyo gool ah kadib markii gool rigoore ah oo ay heshay qeybta hore looga barbareeyay isla gool rigoore ah dhamaadka qeybta danbe.

Xidiga Lionel Messi ayaana goolka Rigoorada ee Barcelona u dhaliyay Daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta danbe Barcelona uma suura galin in ay ciyaarta dheereesato waxana dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 89-aad laga dhaliyay gool rigoore ah uu dhaliyay Alex Fernandez.

Natiijada ayaa ka dhigan in Barcelona ay fadhiso booska 3-aad ee horyaalka iyadoo leh 47 dhibcood waxana ay 5 dhibcood ka danbeysaa Real Madrid oo ku jirta booska labaad.

Maxaa Xiga

Barcelona ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here