Home Wararka Ciyaaraha Barcelona oo bartilmaameed ka dhigatay xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester...

Barcelona oo bartilmaameed ka dhigatay xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City ee Gundogan iyo Bernardo

0

Barcelona ayaa ugaarsi ugu jirta saxiixa kabtanka kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona rajaynayso in ay si xor ah kula soo wareegto xiddiga reer Germany.

Si kastaba ha ahaatee, Barca kali kuma ahaan doonto dadaalka ay ku dooneyso saxiixiisa iyadoo kooxo badan ay saf ugu jiraan inay u dhaqaaqaan 31 jirkaan.

Tababarihii hore ee Barcelona haatana ah tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aadan in Gundogan uu sii joogo Etihad.

City ayaa qorsheyneysa inay wadahadal la furto ka dib Koobka Adduunka.

Laakiin maahan ninka kaliya ee ay Barcelona ka doonayso Man City.

Kooxda reer Spain ayaa quus ka taagan inay gacanta ku dhigto Bernardo Silva , iyagoo ku guuldareystay dadaalkaas intii lagu jiray suuqii u dambeeyay.

Previous articleManchester City oo mushahar kordhin u sameeneysa Xidiga Foden
Next articleAnthony Martial oo xiiso ka helaya labada kooxood oo waawayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here