Home Warka Xiisaha Leh Barcelona Oo Bilaash ku Helaysa Saxiixa Muhiimka ah ee Alex Grimaldo

Barcelona Oo Bilaash ku Helaysa Saxiixa Muhiimka ah ee Alex Grimaldo

0
Ad

Xaalada adag ee dhaqaale ee wali Barcelona haysata ayaa markale xagaaga gacmaha ka xidhi doonta iyadoo muhiimada koowaad siin doonta saxeexyada xiddigaha bilaashka lagu heli karo.

Inigo Martinez iyo Ilkay Gundogan oo Athletic Bilbao iyo Manchester City ka kala tirsan ayaa ah laba xiddig oo kale oo ay si xor ah xagaaga ku heli karto.

Ad

Saxeex kale oo bilaash ah oo haatan la sheegayo in Barca ay ku dhawdahay ayaa ah daafaca bidix ee kooxda SL Benfica ee Alex Grimaldo oo hore kuliyadeeda caanka ah ee La Masia uga soo najaxay.

Atletico Madrid ayaa dhinaceeda ka doonaysay Grimaldo balse saxafiga Portuguese-ka ah ee Pedro Almeida ayaa sheegay in Blaugrana wadahadalo meel fiican maraya kula jirto 27 sano jirkaas daafaca bidix.

Grimaldo ayaa Barcelona ka hayaamay sanadkii 2016, haddii heshiiskani qabsoomo ayuu toddoba sano kaddib ku laabanayaa Camp Nou..

Saxeexa Grimaldo ayaa hubaal ka dhigaya inuu kooxda ka tagi doono ruugcaddaaga daafaca bidix ee Jordi Alba, 34 sano jirkaas ayaa ah mid kamida xiddigaha ugu mushaharka badan Barcelona waana mid kamida sababaha ay degdeg ugu fasaxayso.

Barcelona ayaa ogsoon inay muhiim tahay inay dhinto mushaharka ay bixiso si ay u awoodo inay saxeexyada cusub xagaaga diiwaan gashato.

Previous articleshuruuda hortaala koox kasta oo doonaysa inay shaqaalaysiiso Julian Nagelsmann oo la shaaciyay
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 27-ka Maarso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here