Barcelona oo dalab ka gudbinaysa Garabka Manchester City ee Bernardo Silva.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay dalab ka gudbiso garabka Manchester City ee Bernardo Silva.

Inkastoo uu seddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan, mustaqbalka Silva ee Etihad Stadium ayaa dhawaan su’aal la geliyay.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa sidoo kale hadal heynta ku daray kadib markii uu diiday in uu meesha ka saaro in Silva uu ka tagayo suuqa kala iibsiga ee haatan.

Iyadoo Paris Saint-Germain loo aqoonsaday inay xiiseyneyso, Barcelona ayaa weli si weyn loola xiriirinayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.

 

Sida laga soo xiganayo Manchester Evening News kooxda reer Catalonia ayaa sare u qaaday baacsiga ay ku doonayso Man City iyaga oo ku wargaliyay in ay dalab ka gudbin doonaan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga.

Inkastoo Silva uu kasoo muuqday Community Shield iyo furitaanka Premier League ee Axadii, hadana waxaa lagu soo waramayaa inuu weli u furan yahay u dhaqaaqista Camp Nou xagaagan.

27 jirkaan ayaa dhaliyay 48 gool waxaana uu ka qeyb qaatay 50 caawin 251 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Premier League.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*