Home Horyaalka Spain Barcelona oo Dalab labaad ka gudbineysa Xidiga Dani Olmo

Barcelona oo Dalab labaad ka gudbineysa Xidiga Dani Olmo

0
Barcelona ayaa diyaar u ah inay dalab labaad ka gudbiso weeraryahanka RB Leipzig ee Dani Olmo.

Sport ayaa sheegaysa in Barcelona ay dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Olmo – taasoo Leipzig ay si kastaba ha ahaatee, dooratay inay diido.

Sida saxda ah inta uu le’eg yahay qiimaha qandaraasku ma cadda, laakiin waxaa lagu tilmaamay mid hooseeya.

Haatan Barcelona ayaa dalab cusub ka gudbinaysa Olmo.

Dalabka ayaa gaari doona €60m, laakiin xitaa dalabkaan ayaa la filayaa in ay diido Leipzig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here