Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dayacday fursad dahabi ahayd oo ay kula saxeexan karaysay xiddiga reer Croatia ee Luka Modric oo ka mid ahaa xiddigaha ugu wanaagsan Real Madrid tan iyo markii uu sannadkii 20212 uga soo wareegay Tottenham.
Real Madrid waxay kusoo iibsatay Modric $37.4 milyan oo Gini, waxaana heshiiskiisa lagu tilmaamaa mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee ay Real Madrid samaysay sababtoo ah qiimaha ay ku heleen iyo tayadiisa oo gaadhsiisay heer uu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or.
37 jirkan ayaa Real Madrid kula guuleystay 23 koob tobankii sanadood ee uu joogay Santiago Bernabeu, kuwaas oo ay ku jiraan shan Champions League iyo saddex horyaal oo LaLiga ah.
Barcelona oo ay xafiiltamaan Real Madrid ayaa heshay fursad ay kula soo wareegi karaysay Luka Modric ka hor intii aanay Real Madrid la saxeexanin, waxaana xogtan bannaanka keenay madaxii hore ee suuqa Barcelona Borjan Krkic Sr. oo dhalay laacibkii kooxdaas ee Bojan Krkic.
“Ka hor intii aanu Modric u saxeexin Tottenham sannadkii 2008, Zvonimir Boban (Xiddig reer Croatia ahaa) ayaa isoo wacay, waxaanu igu yidhi ‘Ciyaartoy ayaan halkan idiinku hayaa’. Waxa aan u sheegay inuu iisoo diro muuqaallo sababtoo ah waxa aan mar walba samayn jiray in aan anigu eego ciyaartoyga oo aan qiimeeyo. Wuu iisoo diray muuqaallo laga ururiyey isaga oo ak ciyaaraya horyaalka Croatia… Alla muxuu wanaagsanaa!” Ayuu yidhi.
Waxa uu intaa sii raaciey: “Waan wacay mar kale, waxaanan u sheegay in uu yahay xirfadle maskax badan oo noqon doona Boqor. Kaddib waxa aan la kulmay Modric iyo saaxiibaddii oo aanu isku aragnay Hotel Princesa Sofai oo u dhow Camp Nou oo ay dhawr maalmood joogeen. Run ahaantii wuu jeclaa inuu yimaaddo, wuxuuna ahaa qof akhlaaq badan. Waxa aan la shaqaynayay Txiki Begiristien oo aan wax walba u sheegay.”
Si kastaba, Barcelona oo uu waqtigaa usoo baxay Iniesta iyo Xavi oo heerkii ugu sarreeyey ay kubaddiisu maraysay ayuu Txiki ku dooday in ay ku filan yihiin, sidaas ayaanay Tottenham kula wareegtay Luka Modric.