Home Wararka Ciyaaraha Barcelona oo Dhexda kasoo gashay Tartanka Manchester United iyo Arsenal ee Xidiga...

Barcelona oo Dhexda kasoo gashay Tartanka Manchester United iyo Arsenal ee Xidiga Tielemans

0

BARCELONA ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay si xor ah kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Youri Tielemans.

Laacibka heerka caalami ee dalka Belgian, oo 25 jir ah, ayaa sagaal bilood oo kaliya uga hartay qandaraaskiisa, waxaana uu u muuqdaa mid aan u badneyn inuu qalinka ku duugo heshiis kordhin ka dib markii uu horay u diiday dalabyo.

Waxa uu xor u noqon doonaa in uu la xaajoodo oo uu heshiis hordhac ah la galo kooxo kasta oo ka baxsan England laga bilaabo Janaayo 1.

Waxaa lala xiriirinayay kooxo badan xagaagii hore iyadoo labada kooxood ee United iyo Arsenal ay isha ku hayeen.

Si kastaba ha ahaatee, hadda daabacaadda Isbaanishka ee Sport ayaa sheegtay in Barcelona ay isha ku heyso xagaaga soo aadan.

Previous articleSergio Ramos oo wajahaya ganaax todobo ciyaarood ah” Sababta oo lasoo Bandhigay
Next articleArsenal oo isha ku Heysa wadahadalada heshiis kordhinta ee Zaniolo ee Roma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here