Barcelona oo diiday dalab 25 milyan ginniga sterlin ka ah oo ay Manchester United ka gudbiso Ronald Araujo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay waddo dalab 25 milyan oo  ginniga sterlin ka ah ka gudbisay daafaca Ronald Araujo oo Barcelona gaashaanka u daruurtay (ka diiday) dalabkaa uga yimid Manchester United.

Iyadoo United ay si dhab ah mudnaan u siin doonto xoojinta meelaha kale ee garoonka inta lagu jiro 2022, hadana waxay sii wadi doontaa in lala xiriiriyo daafacyada dhexe.

Araujo, oo 18 bilood uga harsan tahay qandaraaska uu kula joogo Camp Nou, ayaa u muuqda mid aad ugu mashquulsan sidii ay ugu heli lahaayeen heshiis cusub  iyo qiima lacagteed oo macquula.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional , Barcelona ayaa dooratay inay diido dalab 25 milyan ee ginni oo uga yimid kooxda Premier League ee Manchester United.

Inkastoo xiddiga heer caalamiga ah ee dalka Uruguay uu ahaa kooxda koowaad ee joogtada ah tan iyo markii loo magacaabay maamulaha Xavi.

Kooxaha kale sida Chelsea ayaa la sheegay inay isha ku hayaan xaalada xidigan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*