Barcelona oo diiwaan gashatay dhamaan saxiixyada Cusub Marka laga Reebo Jules Kounde ka Hor kulanka furitaanka horyaalka La Liga

Barcelona ayaa diiwaan galisay dhamaan saxiixyadeeda xagaaga marka laga reebo Jules Kounde .

Kooxda reer Catalonia ayaa hore u awoodi wayday in ay diiwaan galiso wax cusub oo ay ku soo kordhisay xaalada dhaqaalahooda awgeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxay dhawaan ku dhawaaqeen inay uruuriyeen 85 milyan ginni iyagoo ka iibiyay 24.5% Istuudiyihii Barca ee Orpehus Media.

Sidaas darteed, Barcelona ayaa awood u yeelatay inay diiwaan geliso inta badan saxiixyadeeda cusub ka hor kulankooda furitaanka horyaalka La Liga ee ay sabtida la ciyaarayaan Rayo Vallecano iyadoo rajada kaliya ay tahay Kounde.

Robert Lewandowski , Raphinha , Andreas Christensen iyo Franck Kessie ayaa dhamaantood diyaar u ah Xavi iyo sidoo kale Ousmane Dembele iyo Sergi Roberto , kuwaas oo iyagana la diiwaan galiyay ka dib markii ay saxiixeen heshiisyo cusub.

Iyadoo Barcelona ay weli qarka u saaran tahay inay Marcos Alonso kala soo wareegto Chelsea isla markaana lala xiriiriyo xiddiga Manchester City ee Bernardo Silva , waxay doonayaan inay lacag u ururiyaan oo ay bannaanka uga dhigaan biilka mushaharka iyada oo loo marayo iibinta ciyaartoyga.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*