Barcelona oo diyaar u ah inay qarash gareyso saxiixa kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa inay soo qaadato kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta .

Azpilicueta ayaa qandaraaskiisa ugu harsan 12 bilood oo ay u kordhisay kooxda Chelsea dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu rajeynayaa inuu u dhaqaaqo Barca xagaaga.

Cadena SER ayaa sheegtay in Azpilicueta uu ku riixayay Chelsea inay si xor ah ugu iibiso.

Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa diyaar u ah inay bixiso 5 milyan oo euro si ay wada xaajoodyada ugu fududaato oo ay u keento Spain.

Catalans ayaa horay ugu wargaliyay Chelsea dalabkooda, waxaana ay haatan sugayaan jawaabta.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*