Barcelona oo doonaysa in ay Arsenal u soo bandhigto Depay, iyo Umtiti

Memphis Depay ayaan hubin mustaqbalkiisa Barcelona taasi keenysa inuu dhaqaaqo Xagaagan .

Sport ayaa sheegaysa in maamulka Barca ay aad ugu qanacsan yihiin qaab ciyaareedkiisa, laakiin saxiixyada la filayo mashruuca soo socda iyo kuwa horeyba u joogay ayaa la macno ah in xiddiga reer Holland uusan heli doonin daqiiqado badan xilli ciyaareedka soo socda.

Barcelona ayaan doonayn in ay ka gorgortanto mustaqbalkiisa ilaa haatan laakiin xaalada ayaa wax iska badali karta todobaadka soo socda. Arsenal ayaa xiiseyneysa xidigan Barcelona ayaana laga yaabaa inay isku daydo inay Samuel Umtiti amaah hal sano ah ku fasaxdo a

Barcelona waxay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoy, inta ay awoodaan marka la gaaro June 30. Waxay hada iibiyeen Philippe Coutinho € 20m waxayna hadda diiradda saarayaan Memphis iyo Frenkie de Jong . Xidigahan waxay keeni karaan lacag ka badan kuwa kale.

Memphis wuxuu jeclaan lahaa inuu sii joogo laakiin wuxuu wadahadal la yeelan doonaa Xavi inuu door weyn ku yeelan doono xilli ciyaareedka soo socda iyo in kale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*