Home Warar Ciyaaraha Maanta Barcelona Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Rafinh

Barcelona Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Rafinh

0

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay si dhab ah uga fiirsanayaan inay qandaraaska u kordhiyaan xiddigooda reer Brazil Rafinha ka dib qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu la qaatay Barcelona xilli ciyaareedkan.

Bandhigii Rafinha ee Barcelona ayaa 180 darajo ku badalay tababaraha Hansi Flick, isagoo noqday xidiga ugu muhiimsan kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa tilmaamay in Barcelona ay haatanba ka fikirayso in ay heshiis cusub u kordhiso Rafinha kadib markii uu dhawaan kooxda la gaadhay 100 kulan.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Rafinha uu ugu dambayn noqday nin ku faraxsan kooxda, isla markaana uu ku raaxaysanayo waqtigiisa kooxda.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska xiddiga reer Brazil Rafinha ee Barcelona uu dhacayo xagaaga 2027.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here