Home Horyaalka Spain Barcelona Oo Dooneysa Saxiixa Alessandro Bastoni

Barcelona Oo Dooneysa Saxiixa Alessandro Bastoni

0

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca Inter Milan Alessandro Bastoni .

21 jirkaan ayaa si joogta ah ugu ciyaarayay kooxda Antonio Conte intii lagu jiray ololihii 2020-21, isagoo u saftay 28 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 20 kulan oo ka tirsan horyaalka Italy.

Bastoni kaliya wax ka yar labo sano ayaa ka hartay qandaraaskiisa haatan ee San Siro, inkastoo, sida laga soo xigtay Calciomercato , Barca ayaa dooneysa inay xiddiga reer Italy keento Camp Nou.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in kooxda reer Catalan ay dooneyso inay dib u cusbooneysiiso daafaceeda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, laakiin Inter ayaa la rumeysan yahay inay ku qiimeyneyso Bastoni aduun dhan 52 milyan oo ginni.

Barca ayaa la dhibtooneysa saameynta dhaqaale ee cudurka coronavirus, laakiin, taasoo la micno ah inay ku adkaan doonto kooxda inay hesho lacagaha looga baahan yahay suuqa soo socda.

Guud ahaan, Bastoni wuxuu 61 kulan u saftay Inter tan iyo markii uu ka yimid Atalanta BC sanadkii 2017.

Previous articleLiverpool oo guul ka gaartay Kooxda Sheffield United: guulaha Reds oo dib u soo laabtay
Next articleReal Madrid oo Fasaxeysa mid kamid ah Daafacyadeeda Muhiimka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here